Maalmo qeebta Maah maahda
Browse by az :
A
B
C
D
E
F
G
H
I
J
K
L
M
N
O
Q
R
S
T
U
W
X
|
Maahmaahda ugu shidan
Nimaad dhashay kuma dhalin
70 jir sariir lala ma wadaago(Ileyn ma seexanaayo xaago iyo qufac ayaadan ka joogi karine)
Sir naageed lama sal gaadho
Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi’iye
Ragu sadex waa iskaga mid Magaca, magta iyo maganta
Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh
Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso
Nin qurux badan naagtaada uga yaab nin fool xuna naftaada uga yaab
Sodon jir sariirtiisa lama seexdo
Waxa jira sadex abaar, abaar geel ,abaar dumar iyo abaar rag Abaar geel waa ilko laaan, abaar dumar waa ubad laaan, abaar ragna waa arin laaan
Roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan
Labaatan jir lalama Legdemo :(Sababtoo ah labaatan jir markuu yahay qofka ayuu xoog biloow yahay mana daalaayo)
Gus ma adkee wax ka jilicsan buu helay
Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame
Lama huraan waa caws jiilaal
Toban Jir hala kaftamin
Naf wax jecel allaa dhibay
Luqun dheeraatay madax ma dhaafto
Doqon dib bay wax ka garataa
Basari buulkeeda bayaayo waaye